JACEYLKA FIKRADADA SIDEY U ARAGTAA?
WAA MAXAY JACEYL?
Culimada cilmi nafsigu waa ay isku khilaafsan yihiin, hase yeeshee mid ayaa laysku raacay taaso ah inuu qofka la jacel yahay ugu qaalisan yahay dadka intiisa kale. Taasi waxay ku tusaysaa in ruuxa wax jaceli uu u qaalisan tahay naftiisa mida uu jacel. Kolkuu arageeda waayana ay ku abuurmayso murugo, tabar dari iyo wel-wel hor leh.
Jaceylka aan ruuxna kula wadaagin ee goonida ah waa mid iyada/isaga u horseeda murugo, cidla, dareen la’aan iyo dad naceyb. Waxaa ruuxaas ku beerma colaad joogta oo u hayo lamaano weliba. Wuxuu wax ka sheegaa wiil iyo gabar weliba oo isla socda, wuxuuna ku tilmaama erayada kuwa ugu xun-xun. Wuxuu ka war hayaa labada maanta isbaratay oo noloshooda isbedel saameysay. Wuxuu saxiibadiisa ku nacaa markay ka hadlaan kalgacalkooda, sheekooyinka noocaas ah uma dhadhanto aad u karaahiyeystaa.
Midka jaceylku saameeya wiil iyo gabarba, waxay had iyo jeerba ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu ugu baaqi dhigaa ruuxaa u jeclaa. Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad kalgaceyl oo uu weligiis hilmaami doonin. Wiilka & gabadhaas waxay go’aan ku gaaraan ayay fuliyaan, iyagoo kalsooni buuxda isu haya, waxa ay sameynaa uu yahay jaceylkooda. Waxay ka tashadaan ayahooda dambe iyo mustaqbooda siduu noqon doona.
Maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa u dhasha waa cusub oo tirsiigu yahay maalintey isbarteen inuu korodhay. Waxayna mar weliba is xasuusiyaan jaceylkay isu qabaan inuu sii xoogeystay, uuna yeeshtay weji cusub oo hor leh. Hadaba si kastaba ha ahaato, jaceylka oo soo laab-laabto waa mid ku dhisan aas-aas xoog leh, kaaso weligiisna noqdo mid isu keeno laba cid aan hashiis ka dhaxeyna, colaadna weligood dhextiil, reer cusub ka dhasha. Jaceyl ma’ahan oo qura wiil iyo gabar oo is jeclaaday, mar-mar qaarkood wuxuu kaalin lixaad leh ka qaataa laba cid amaba ummadd aad isku af iyo dhaqan ahayn ayuu isu keenaa.
Faa’iido iyo qaasaro wuu leeyahay jaceyl laakinse waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye…………lasoco qeybta danbe!
SIDEE LOO HORMARIN KARAA JACEYLKA?
Inta aysan is guursan labada qof ee (Labka & dhediga) xilliga haasawahooda waxa ay sheegaan in ay is jecel yihiin oo ay is doonayaan, uuna ka dhexeeyo jacayl wanaagsan oo waaray. In badan ayaa la arkay labo is jecel oo isla haajiray (Masaafeystay) iyagoo ka baqaya in jacaylkooda la carqaladeeyo, kuwo baa is dilay marka ay is waayaan ama caqabado kale ay soo wajahdo, kuwo kalena waalidkood ayay u caddeeyaan in aan jacaylkooda la carqaladayn haddii kalena ay ifka uga tagayaan arrintaa awgeed. Ma aha layaab haddii labo qof oo is jeceli ay is ammaanaan oo midba kan kale uu ku tilmaamo sharaf, qiimo, qaayo & qurux aan mataalkeeda iyo qiyaasteeda aan si fudud loo helayn, maxaa yeelay dareenka kalgacal ee dhex yaala qalbiyadooda is jecel ayaa isu tusinaya wanaag, hannaansami & bilic toosan oo ka muuqata qofka uu jecel yahay, taasina waa waxa keenay ammaanta badan & hilowga labadaa is jecel ay isu qabaan. Intaas oo ammaan iyo jacayl isu hibeyn ah waxa ay dhacaan guurka kahor ama xilliga xaaladda haasaawaha lagu jiro, haddana waxaa dhacda in guurka kadib carqalado & caqabado jacaylkii la soo gudboonaado. Haddaba waxaa isweydiin mudan sidee loo joogteyn karaa ama loo daa’imi karaa jacaylkii hore la isugu qabay. Ogow Ina raggow ammaanta gabadha aad amaanaysid xilliga aadan guursan inay tahay mid aad ugu dhawaanaysid qalbigeeda, laakiin ammaanteeda guurka kadib ayaa ka qiimo badan amaantii hore taasoo leh mudnaanta koowaad ee jiritaanka jacaylkii hore, maxaa yeelay waa saldhig lama huraan ah si loo ilaaliyo qalbi samida & is afgarashada qoyska. Nolosha wacan ee qoyska waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag & isla dhaqan xilkasnimo leh. Haddii aad rabto inaad nasiib u yeelato inuu jacaylkiina waaro lamaanahaaga ha dhaliilin, hana canaanan, hadduu qalad idinka dhex dhaco adiga & lamaanahaaga si deganaani ku jirto isu deeqsiiya inaad qaladka u wada saxdaan, waxaa hubaal ah inaad arki doontaan adigoo isu miisaanaya halkii aad ka xanaaqi lahaydeen. Ogow weji furnaanta, qosolka & farxadda badan ee lamaanayaashu wadaagaan inuu saldhig u yahay Jacaylka waara, haddana adigoo qosli kara, isla markaana si farxad leh ula cayaari kara Xaaskaaga/Ninkaaga maxaa keenaya weji macbuusnaan sababi karta burbur qoys?
W/Q: Mohamed Haji Abubakar (Al-Haaji)

